Haayadda Culimada Soomaaliyeed oo iclaamisay afar maalmood oo soon ah iyo maalin roob doon ah

Guddoomiyaha Haayadda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyaha Haayadda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayadda Culimada Soomaaliyeed ayaa iclaamisay afar maalmood oo soon ah iyo maalin roob doon ah.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Haayadda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, afarta maalmood ayaa ka bilaabmi doonta maalinta Arbacada ee soo socota iyadoo maalinta afraad oo Sabtida soo socota ahna dalka oo dhan laga oogi doono (Salaadul Istisqa).

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay badiyaan baryada Alle si Rabi uu uga dulqaado colaada iyo abaarta dalka ka jira,

Soomaaliya ayaa wajahaysa abaartii ugu darnayd muddo sannado ah, in ka badan 6 milyan oo dad ah ayaa u baahan caawimad deg deg ah oo cuno iyo biyo ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xilli roobaadkii Deyrta oo aan si fiican u da’in, oo sida caadiga ah la heli jiray bilaha October iyo November, ayaa sababay abaarta. Xilli roobaadka xiga ayaa ah Guga waxaana la filayaa in uu bilaabmo bilaha April iyo May.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*