Duqa Garoowe oo sheegay in magaaladu ay yeelan doonto gaariyaasha dab demiska ee ugu horeysay

Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ka hadlaya intii lagu guda jiray furitaankii kalfadhiga golaha deegaanka ee Garoowe, April, 3, 2018. [Xigashada Sawirka: Dabaraani Media Inc.]
Garoowe-(Puntland Mirror) Garoowe ayaa yeelan doonta gaariyaasha dab demiska ee ugu horeysay, duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa ku sheegay khudabdiisii Talaadadii uu u jeediyay golaha deegaanka, isaga oo intaas ku daray in saddex baabuur oo dab demis ah ay imaan doonaan bishaan inta lagu jiro.

Shirkadda Isgaarsiinta Golis iyo Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa bixiyay qiimaha aan la sheegin ee gaariyaasha dab demisyada ah,sida uu sheegay duqu.

Horaantii sanadkan, dab culus ayaa burburshay kaalimo shidaal oo kuyaala Garoowe, waxaana ku dhintay todobo qof.

Iyada oo laga jawaabayo musiibadda, Goodir ayaa safar ku tagay dalka Imaaraatka Carabta bishii lasoo dhaafay ee Maarso si uu raadiyo baabuur demis ah, sida xoghayaha duqa uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*