Dowladda Soomaaliya oo taageertay xil ka qaadista madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaan Juxa. [Xigashada Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageertay xil ka qaadista madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maanta oo Axad ah lagu sheegay in dowladdu ay tixgelinayso go’aanka ay baarlamaanku xilka uga qaadeen madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale bayaanka ku sheegtay in 30 beri gudahood lagu qabto doorashada Madaxweynaha hir-Shabeelle.

Abuucii hore, baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa ceyriyay madaxweynahoodii Cali Cabdullaahi Cosoble, iyaga oo ku eedeeyay waxqabad xumo mudadii uu xafiiska joogay.

Cosoble ayaa go’aanka baarlamaanka ku tilmaamay mid sharci daro ah, isaga oo ku adkaysanaya in uu yahay Madaxweynaha Hir-shabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*