Doorashada guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenadiisa oo la mudeeyay

Doorashada guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenadiisa oo la mudeeyay. [Sawirka: Archive]
Doorashada guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenadiisa oo la mudeeyay. [Sawirka: Archive]
Muqdisho–(Puntland Mirror) Doorashada guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenadiisa ayaa la mudeeyay, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada.

Maxamed Cusmaan Dhagajuun oo ah guddoomiyah guddiga qabanqaabada doorashada ayaa digreeto uu soo saaray maanta oo Isniin ah waxa uu ku sheegay in 22-ka bishaan Janaayo ay dhacayso doorashada guddoomiyaha aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen.

21-ka Janaayo ayaa la dhageysan doona khudbadaha murashixiinta, sida lagu xusay digreetada.

Bilowga bisha Febrayaao ee soo socota ayaa la filayaa in xubnaha aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare ay mudayn doonaan wakhtiga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada aadka loo sugayo ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*