Diktoorkii lafaha ee ugu weynaa Puntland oo geeriyooday

Marxuum Diktoor Saalax Xaaji Cabdullaahi. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diktoor Saalax Xaaji Cabdullaahi oo ahaa dhakhtar caan ah oo ku takhasusay lafaha ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diktoor Saalax ayaa isbitaalka lafaha ee ugu weyn Puntland ku lahaa magaalada Carmo ee gobolka Bari.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Diktoor Saalax, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada maanta oo isniin ah.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland iyo bahda dhakhaatiirta geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Saalax Xaaji, si gaar ah waxa uu uga tacsiyaynayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.” Ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Deni ayaa Diktoor Saalax ku tilmaamay dhakhtar aad ugu qiimo badnaa dadweynaha Puntland, kaasoo si gaar ah xaaladdooda caafimaad ula tacaali jirey ciidamada geesiyaasha ah ee ku dhaawacma, iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*