Deyntii Bankiga Horumarinta Afrika uu ku lahaa Soomaaliya oo la bixiyay

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Bankiga Afrika. [Isha Sawirka: AFDB]
Abidjan-(Puntland Mirror) Deyntii Bankiga Horumarinta Afrika uu ku lahaa Soomaaliya ayaa la tirtiray kadib markii ay si buuxda $122.55 u bixiyeen Dowladdaha UK iyo Midowga Yurub, taasoo meesha ka saareysa xanibaadii deymaha bog cusubna u furi doonta xiriirka u dhaxeeya Bankiga iyo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Bankiga Afrika Akinwumi Adesina ayaa sheegay in ay taariikh cusub u tahay Soomaaliya.

“Waxaan dhab ahaantii ku faraxsanahay in Bankiga Horumarinta Afrika uu sameeyay hoggaankii loo baahnaa si horey loogu socdo ku guuleysashada wadaxaajoodka taasoo tirtiraysa deynta Soomaaliya lagu leeyahay,” sidaa ayuu ku sheegay war-saxaafadeed.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay oo gaareysa $5 bilyan. Bankiga Adduunka ayaa bishii hore tirtiray deyntii uu ku lahaa Soomaaliya, halka IMF dhawaan laga filayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*