![Ciidamada Jubbaland oo dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/IMG_1784-1024x682.jpg)
Cabdirashiid Xasan Nuur, oo ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa laanta Af-Soomaaliga BBC u sheegay in ciidamada huwanta ah ay gacan buuxda ku dhigeen degmada ayna dileen dhowr maleeshiyo oo Al-Shabaab ah.
“Ciidamadayada iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Badhaadhe, waxaanu dilnay argagixiso badan,” ayuu Cabdirashiid u sheegay BBC Soomaali.
Badhaadhe waxay qiyaastii 180 km u jirtaa magaalada Kismaayo, degmada ayaa gacanta u gashay Al-Shabaab 26-dii Janaayo sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka.
Al-Shabaab ayaa banaanka looga saaray magaalada Kismaayo bartamihii 2012-kii, balse wali waxa ay joogaan deegaano balaaran oo kuyaala gobolada Jubbooyinka.
