Ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xiray xarunta shirkada isgaarsiinta Golis ee Garoowe

Golis storm
Ciidamada oo hor taagan xarunta shirkada isgaarsiinta Golis ee Garoowe. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa maanta oo Axad ah weerar ku qaaday xarunta shirkada isgaariinta Golis ee Garoowe.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu ciidamada ayaa albaabada u xiray shirkada kadib markii shirkada diiday in ay bixiso lacago sharci daro ah oo dhan ilaa iyo $30,000 oo uu madaxweynaha ku xigeenka shirkada weydiistay.

Weerarka maanta ee shirkada Golis ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii maamuule ku xigeenkii sidoo kalena ahaa nin u dhaxeeya shirkada iyo dadweynaha ama dowlada, Cumar Ciise Maxamed “Cumar Faaruuq” uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garoowe.

Bartamihii bishii Agoosto, weerar kan lamid ah ayaa ciidamada madaxweyne ku xigeenka waxa ay ku qaadeen bangiga Amal xaruntiisa Garoowe.

Golis ayaa ah shirkada ugu weyn ee isgaarsiinta Puntland oo bixisa adeega taleefoonada.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*