Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland oo garoonka diyaaradaha Hargeysa ku xiray wariye Cooldoon

Wariye Cabdimaalik Muuse Cooldoon. [Sawirka: Archive]
Wariye Cabdimaalik Muuse Cooldoon. [Sawirka: Archive]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa xiray wariye Cabdimaalik Muuse Cooldoon, sida ay sheegayaan wararku.

Coldoon oo kasoo jeeda maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay joogay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maanta oo Arbaco ah ayaa wariyuhu ku noqday magaalada Hargeysa , waxaana isla markiiba garoonka diyaaradaha ka qabsaday ciidamada maamulka Somaliland.

Ma jirto war sax oo ku saabsan sababta loo xiray Cooldoon, balse wararka ayaa sheegaya in loo xiray kadib markii uu la kulmay madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdimaalik Cooldoon ayaa ah wariye inta badan ka shaqeeya kaalmeynta dadka masaakiinta ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*