Bangiga Adduunka oo $80 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Adduunka oo $80 milyan ugu deeqay Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Bangiga Adduunka ayaa ogolaaday $80 milyan oo dollar oo deeq ah oo la siinayo Soomaaliya si ay ugu maalgeliso dib u habeynta maaliyadeed ee wadanka, lacagta ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo la siinayo Soomaaliya muddo 30-sanno ah.

Bangiga Adduunka oo fadhigiisu yahay Washington, oo joojiyay wadashaqeyntii Soomaaliya markii uu dagaalka sokeeye qarxay 1991-dii, ayaa xiriirka tooska ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u bilaabay sanadkii 2013-kii.

Guddigiisa ayaa ansixiyay maaliyad dhan $60 milyan oo loogu talogalay Qiimaha Soo Noq-noqda iyo Dib-u-habaynta Mashruuca Maalgelinta iyo $ 20 milyan oo loogu talogalay Dakhliga Gudaha iyo Maareynta Maaliyadda Dadweynaha, ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Bangiga Adduunka Talaadadii.

Bangiga ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono Dowladda Federaalka ee fadhida Muqdisho si kor loogu qaado adeegyada waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, helida biyo nadiif ah, tamarta iyo maalgelinta dadka muwaadiniinta ah iyada oo loo marayo barnaamij la dhaho Qaabka Iskaashiga Wadajirka ee Dalka.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la saadaaliyay in uu kori doono celcelis ahaan inta u dhaxeysa 3.5 iyo 4.5 boqolkiiba sanadkiiba inta u dhaxeysa 2019-2022, marka wada-shaqaynta adeegyada bulshada ay shaqeeyaan, bangiga ayaa yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*