Baarlamaanka Puntland oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay  [Sawirka: Puntland Mirror]
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Cumar Camay si ay xilka uga qaadaan, iyaga oo ku eedeeyay dastuurka inuu ka xadgudbay, sida uu sheegay xildhibaan.

Xildhibaan kamid ah baarlamaanka Puntland oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka.

“Waxaanu diyaarinaynaa mooshin ka dhan ah Camay, maxaa yeelay waxaa uu jabiyay dastuurka dalka u yaala kadib markii uu heshiis la galay siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Somaliland intii uu Muqdisho booqashada ku joogay.” Xildhibaanka ayaa sidaa u sheegay Puntland Mirror.

Ma jirto ilaa iyo hadda jawaab kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka oo ku aadan mooshinka ka dhanka ah isaga.

Ugu yaraan 34 xildhibaan waa in ay saxiixaan mooshinka si loo horkeeyo baarlamaanka dhexdiisa, marka loo fiirsho dastuurka Puntland. Si xilka looga qaado madaxweyne ku xigeenka sadeex meelood labo meel oo xubnaha baarlamaanka ah ayaa loo baahanyahay in ay u codeeyaan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*