Baarlamaanka Puntland oo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u doortay guddoomiye cusub

Guddomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. [Isha Sawirka: Puntland Parliament]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u doortay guddoomiye cusub maanta oo Khamiis ah.

Saddex musharax oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Cusmaan Maxamed iyo Cali Axmed Dhahar ayaa ka qeybgalay doorashada.

Cabdirashiid ayaa helay 46 cod wareegii labaad halka Cabdijamaal oo la loolamayay uu ka helay 17 cod, sida ay ku dhawaqeen guddiga doorashada.

Hadal kooban oo uu jeediyay guusha kadib, waxaa uu sheegay in uu noqon doono hoggaamiye ku dhaqma isku tanasul iyo dulqaad, uuna si dhow ula shaqayn doono haayadaha kala duwan ee dowladda.

Asbuucii lasoo dhaafay, baarlamaanka Puntland ayaa xilkii ka qadaaya guddoomihii hore Cabdixakiin Dhoobo-daareed, kaasoo xilka hayay wax ka yar sanad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*