Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay ajandaha kalfadhigooda 45-aad

Baarlamaanka Puntland. [Isha Sawirka: Puntland Parliament]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ansixiyay ajandaha kalfadhiga 45-aad.

Qodobada ugu waa weyn ee ajandaha ayaa waxaa kamid ah ansixinta miisaaniyada 2020, ansixinta guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, heshiisyada xukuumadu gashay iyo kuwii hore dabagalkooda, la xisaabtanka xukuumada, iyo xeerarka ay xukuumadu soo gudbiso.

Kalfadhiga 45-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa Sabtidii waxaa si rasmi ah u furay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*