Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyadoo uu soo aadanyahay shir-weynaha IGAD

mogadishu-security
Askari katirsan haayadaha amaanka Soomaaliya oo baaraya baabuurta Muqdisho. Sawirka: Gettyimages.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayadaha amaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyay amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo uu soo aadanyahay shir-weynaha IGAD, oo la qorsheeyay in lagu qabto Muqdisho 13, September.

Hoggaamiyaasha Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Waqooyiga Suudaan ayaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan shirka waxayna ka wadahadli doonaan xaalada guud ee gobolka.

Dowlada Soomaaliya ayaa boqolaal ciidamo ah oo isugu jira booliis iyo militari soo dhigtay wadooyinka Muqdisho si ay u sugaan meelaha muhiimka ah ee kuyaala caasimada.

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaysay amaanka dhamaan meelaha laga soo galo caasimada, oo uu kamidyahay garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee hoggaamiyaasha IGAD oo lagu qabto Muqdisho tan iyo 1990.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.