Al-Shabaab oo toogatay afar nin oo ay ku eedaysay in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Isha Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa toogatay afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaare ah oo kutaala degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose gelinkii dambe ee Axada, sida ay sheegeen warbaahinta Al-Shabaab.

Kooxda ayaa sheegtay in labo kamid ah afarta nin ay basaas u ahaayeen sirdoonka dowladda Soomaaliya, halka labo kale ay ahaayeen askar katirsan ciidamada xooga dalka.

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin toogashada ay geysatay maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal kula jirta.

Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa marar badan oo kala duwan toogasho ku fulisay dad ay sheegtay in ay la shaqeeyaan haayadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakaalado sirdoon oo ajnabi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*