16 qof oo ku dhimatay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo

Ciidamada Jubbaland. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamul goboleedka Jubbaland iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo Isniintii ka dhacay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhimatay 16 qof oo katirsan dhinacyada dagaalamay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Jamaal Xasan Farey, oo ah sargaal sare oo katirsan ciidamada Jubbaland ayaa maanta oo Talaado ah warbaahinta u sheegay in iyagu ay weerar culus ku qaadeen Al-Shabaab ku sugan meel u dhow deegaanka Geedweyne ee gobolka Gedo.

“Waxaa naga dhintay shan askari todobo kalena waa ay naga dhaawacmeen intii uu socday dagaalku. Waxaanu dilnay 11 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab waxaana ka qabsanay hub,” ayuu yiri sargaalku.

Farey ayaa sheegay in dagaalku uu yimid kadib markii ay heleen xog tilmaamaysa in maleeshiyada Al-Shabaab ay qorsheynayeen in ay weerar ku soo qaadaan ciidamada Jubbaland balse ay uga jawaabeen si dhaqso ah ayna iyaga weerareen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarku uu ahaa mid culus oo socday dhowr saacadood.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in sargaal katirsan ciidamada Jubbaland uu ku jiro dadka ku dhintay dagaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*