Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa in la dhaariyo.
Baarlamaanka cusub ayaa munaasabada dhaarintoodu waxay ka dhacaysaa xarunta ciidanka booliiska ee Janaraal Kaahiye ee Muqdisho, waxaana la filayaa in ay ka qeybgalaan masuuliyiinta dowladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.
Xubnaha labada aqal ayaa la filayaa in 28-bisha Janaayo ee sanadka 2017-ka ee soo socda ay dooran doonaan madaxweynaha dalka, sida qorshuhu yahay.
Be the first to comment