Cabdirashiid, oo ah nin dhalinyaro ah, ayaa ahaa agaasimihii warfaafinta madaxtooyada maamulkii madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, waxaana uu baarlamaanka kamid noqday sanadkan 2019.
Wuxuu noqonayaa musharixii labaad oo ku dhawaaqa in uu u tartamayo xilkan. Xildhibaan Cali Axmed Dhahar ayaa Talaadadii ku dhawaaqay musharaxnimadiisa.
Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo beri oo Khamiis ah.