Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u duulay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya maanta oo Jimce ah.
Xasan Shiikh ayaa Addis Ababa kaga qeybgali doona shirka urur goboleedka IGAD oo beri oo Sabti ah halkaas ka furmi doona.
Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada guud ee gobolka gaar ahaan Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.