Wefdiga oo ay kamidyihiin wasiirka arrimaha dibada, wasiirka qorshaynta iyo wasiirka kalluumaysiga ayaa Talaadadii tagay magaalo xeebeedka Boosaaso, halkaas oo madaxweyne Deni uu ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.
Wadahadalada dhexmaray wasiiradda ka socda dowladda dhexe iyo madaxweynaha Puntland ayaan wax horumar ah laga gaarin, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe oo xumaa bilihii la soo dhaafay ayaa diirada lagu saaray wadahadalada.