Boosaaso-(Puntland Mirror) Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dabley loo malaynayo in ay yihiin kuwa hubka sharci-darrada ah ka ganacsata ay weerar ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla Boosaaso, Puntland, xilli saqdhexe ah habeenimadii Arbacada, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inuu jawaab u ahaa hub ay ciidanka amniga ka qabteen kooxahaas.
Maamulka amniga Puntland ee gobolka Bari weli kama hadlin dhacdadan.