Warqada iscasilaadiisa, Cali ayaa ku sheegay eedo badan oo uu u soo jeediyay xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, isaga oo ku eedeeyay in ay ku fashilmatay guud ahaan himilooyinkii shacabka Puntland.
Wasiirkii hore ee deegaanka ayaa xusay in mashaariic ay kamidyihiin wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo, iyo biyo-xireen laga dhisi lahaa degmada Buurtinle ay istaageen kadib farogelin katimid xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Waxa uu intaas ku daray in shaqadii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada lagu wareejiyay haayad kale oo dowladda katirsan oo madaxtooyada xiriir la leh, sidaasna loo sameeyay si mashaariic dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo.