Shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Timacade ku sheegay in arrimo isaga u gaar ah uu isku casilay.
Wasiirka iscasilay ayaa labo jeer xilal wasiirnimo kasoo qabtay xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Timacade uu doonayo in uu isku sharaxo madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada dhici doonta horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo socda.