“Waxaa la farayaa ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, dowlada Soomaaliyeed waxay faraysaa anoo ku hadlaya magaca raysulwasaaraha in ay geeyaan magaalada Gaalkacyo wixii ciidan ah oo ay u heli karaan ee awood u leh in uu kala dhexgalo colaada ka jirta magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
“Sidoo kale dowlada waxay ugu baaqaysaa waxgaradka Soomaaliyeed sida salaadiinta, culimada u diinka in ay kala dhexgalaan dadkaas walaalaha ah,” ayuu ku daray Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.