Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay maanta oo Axad ah kadib markii gaari bus ah uu la qarxay miinada dhulka lagu aaso meel u dhow Muqdisho, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa ciidanka booliiska.
Gaariga ayaa waxaa saarnaa dad isku qoys ah oo ka tagay Muqdisho si ay aas uga qeybgalaan ka dhacayay meel magaalada Afgooye, sida ay sheegtay wakaalada wararku.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxaas.