Turkiga oo u soo diraya markab shidaal iyo gaas ka baaraya xeebaha Soomaaliya

Markabka Oruc Reis. [Isha Sawirka: Puntland Mirror]

Istaanbul-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahamin doona shidaal iyo gaas, taasoo qayb ka ah heshiis iskaashi oo hydro-carbon-ka oo labada dal ka dhaxeeya, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta ee Turkiga Khamiistii.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Labo ka mid ah saddexdaas baloog, ayaa ilaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa sidoo kale sheegay, isagoo intaas ku daray in midka saddexaad uu u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkigu wuxuu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay, taasoo sii xoojinaysa xiriirka laba geesoodka ah ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiiska difaaca bishii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*