Kinshasa-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay intii ay socdeen isku-dhacyo u dhaxeeyay booliiska iyo dad banaanbaxyo lidi ku ah dowlada Jamahuuriyada Dimuqraadiga Congo samaynayay oo ka dhacay caasimada Kinshasa.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Congo Claude Pero Luwara ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in saddex kamid ah ciidamada booliiska ay ku jiraan kuwa la dilay. Wadaad Kaatoolig ah ayaa sheegay in mid kamid ah ciidamada booliiska dhintay nolosha lagu gubay intii ay socdeen rabshaduhu.
Dowlada Congo ayaa sheegtay in ay mamnuucday banaanbaxyada ka dhanka ah madaxweyne Joseph Kabila.
Si kastoo ay ahaataba, kooxaha mucaaradka ah, ayaa ku baaqay banaanbaxyo dheeri ah, sida ay ku sheegeen bayaan, waxay sidoo kale sheegeen in ka badan 50 qof in lagu dilay isku-dhacyada.
Kabila, oo xukumayay dalka macdanta-qaniga ku ah ee DRC tan iyo sanadkii 2001, ayaa dastuurka ka mamnuucayaa inuu mar saddexaad isku soo gaato madaxweyne, balse waxa uu isa siiyay sumad muujinaysa in uusan shaqadiisa ka tagin.