Isku dhacyada oo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo katirsan beesha Dhulbahante ayaa Isniintii ka qarxay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.
Dhumay waa tuulo qiyaastii 40 kiilomitir dhanka koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.
Colaada u dhaxeysa labadan beelood ayaa soo bilaabmatay sanadkii 2003, waxayna u socotay si teel teel ah tan iyo markaas, inkastoo marar badan la isku dayay in la dhammeeyo.
Sida ay wararku sheegayaan, xaalada deegaankaas ayaa maanta degan kadib labo maalmood oo dagaal dhiig badan ku daatay.