Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha SODMA ee Soomaaliya ayaa sheegay in hoos u dhac weyn ku yimid roobabka Deyr ee sanadkan uu saameeyay ku dhawaad 6 milyan oo qof oo ku nool dalka.
SODMA ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladdu ay tahay mid u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo loo baahanyahay in la helo hal bilyan oo dollar si wax looga qabto saameynta abaarta.
Ku dhawaad labo boqol kun oo qof ayaa ku barakacay abaarta, halka hal milyan in ka badan oo xoolo ah ay ku dhinteen, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Macalin.