Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle.
Shirka ayaa looga wadahadli doonaa arrimo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka soo socda.
Shirkan ayaa yimid kadib kulan ay khadka internetka ku yeesheen madaxweynayaashu.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku casuntay shir madaxda dowlad goboleedyada kaasoo qorshuhu ahaa in uu Muqdisho ka furmo July 5, 2020 ayaa dib u dhacay kadib markii qaar katirsan dowlad goboleedyada sida Puntland ay qaadacday shirkaas.