Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabelle.
Abaarta daran ee ku dhufatay dalka oo dhan iyo arrimaha ammaanka sida dagaalka Al-Shabaab ayaa la filayaa in ay yihiin ajandaha ugu weyn ee shirka.
Sidoo kale inta uu kulanku socdo, hoggaamiyaasha ayaa ka wadahadli doona shir-weyne quseeya Soomaaliya, kaasoo 11-ka bisha May ee sanadkan lagu qaban doono gudaha London, oo ay martigelisay Boqortooyada Ingiriisku.
Kani waa kulankii ugu horeeyay ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo bishii Febaraayo ee sandkan.