Hoggaamiyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Maamul Goboleedyada ayaa ka qeybgalaya kulanka oo socon doona labo beri, oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa la filayaa in ay ugu waa-weyn yihiin ajandayaasha shirka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Kani waa shirkii labaad oo u dhaxeeya labada dhinac tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xafiiska qabtay bishii Maarso ee sanadkan.