Garbahaarey-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab oo magaciisa la dhaho Cabdullaahi Xaashi Ciiro ayaa shalay oo Isniin ahayd isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in sargaalka isa-soo dhiibay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa canshuuraha ee qeybta Tuulo-barwaaqo oo ku dhow magaalada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo.
Kahor inta uusan is-dhiibin sargaalka ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray haaydaha dowladda ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Ma jirto jawaab ka timid ururka hubaysan ee Al-Shabaab oo ku saabsan is-dhiibida sargaalkaas.