Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sargaalka uu la qarxay kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay meel u dhow xarunta Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Soomaaliya ee gudaha Muqdisho.
Sargaalka la dhaawacay ayaa la dhahaa Cabdullaahi Nuur Samatar waxaana loo yaqaan (Caano Boore), sida ay wararku sheegayaan.
Sargaalka ayaa loo qaaday isbitaalada kuyaala gudaha magaalada si loogu dabiibo.
Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku qoreen warbaahintooda Online-ka.