Duqeynta ayaa Axadii ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
Duqeynta ayaa ahayd is-difaacid wadajir ah oo ay wada qaadeen Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya kadib markii ay dagaal la galeen maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab, bayaanka ayaa intaas ku daray.