Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya oo sheegay in ICJ ay soo saari doonto xukunka kiiska badda Soomaaliya-Kenya 12-ka Oct.

Puntland Mirror
1 Min Read
Raysulwasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. [Sawir Hore]

Raysulwasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in maxkamada ICJ ay soo saari doonto xukunka kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya 12-ka October 2021.

Sanadkii 2014, dowladda Soomaaliya ayaa u gudbisay maxkamada ICJ in ay qaado dacwada muranka labada dal.

Labada dal ee dariska ah waxay sheeganayaan lahaanshaha 150,000 kiilomitir oo labo jibaar ah oo kuyaala xeebta Badweynta Hindiya, halkaas oo la sheegay in ay qani ku tahay saliid, gaas iyo kaluunka tuna.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore isku dayday in kiiska lagu xaliyo wadahadal, balse Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay, iyada oo sheegtay in ay keliya aqbali doonto garsoorka maxkamada ICJ.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *