Addis Ababa-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.
Labada masuul ayaa ka wadahadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal, sida ay sheegeen saraakiisha safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa.
Khayre iyo Abiy ayaa isku afgartay in ay iska kaashadaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo badan.