Khayre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ujeedka safarka raysulwasaaraha uu yahay sidii uu uga qeybgali lahaa shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, oo la filayo in beri oo Sabti ah uu ka furmo Garoowe.
Maanta oo Jimce ah, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Hir-shabeelle iyo Jubbaland ayaa yimid Garoowe.