Garoowe-(Puntland Mirror) Daraasad cusub oo lagu daabacay Joornaalka BMC ayaa muujisay in qoysaska Soomaaliyeed ay badankoodu halis ugu jiraan qiiqa gudaha guryaha ee ka yimaada cuno karinta, taasoo khatar caafimaad ku ah dadweynaha.
Daraasaddan ayaa lagu falanqeeyay xog laga soo ururiyay 15,823 oo qoys, iyadoo la adeegsanayo Sahanka Caafimaadka iyo Tirakoobka Dadweynaha Soomaaliyeed ee 2020 (SDHS), si loo ogaado xaaladaha qoysaska, hababka cuno karinta, iyo arrimaha kordhiya halista qiiqa.
Natiijooyinka ayaa tilmaamaya in 60% qoysaska ay halis sare ugu jiraan qiiqa guryaha ee ka yimaada cuno karinta, halka 36% ay yihiin kuwo halis dhexdhexaad ah. Qoysaska halista hoose ku jira ayaa aad u yar, oo ah ku dhawaad 3% kaliya. Cilmibaarayaashu waxay sheegeen in halista sare ay ka dhalatay isticmaalka qoryaha ama xaabada iyo dhuxusha, oo badanaa gudaha guryahooda lagu kariyo, iyo sidoo kale helitaanka xadidan ee farsamooyinka nadiifka ah ee cunto karinta.
Gobollada dalka ayaa waxaa ka jira kala duwanaansho ballaaran. Banaadir ayaa leh qoysaska ugu badan ee halista sare qaba, ku dhawaad sagaal qoys oo kasta halis ayay ku jiraan. Awdal, Woqooyi Galbeed, Togdheer, Shabeellaha Dhexe, iyo Gedo ayaa sidoo kale qoysaska badankooda halis sare ay ku jiraan. Dhanka kale, gobollada Sool, Galgaduud, Hiiraan, iyo Bakool, ayaa ah kuwa ku jira halista dhexe, halka Sanaag, Bari, Mudug, iyo Jubada Hoose ay xogtoodu muujinayso isku dheelitirnaan oo u dhaxaysa halista sare iyo dhexdhexaadka.
Arrimaha bulsho iyo dhaqaale ayaa si weyn ugu xiran halista qiiqa. Qoysaska badankooda ay madax ka yihiin ragu, waa kuwo ballaaran, isla markaana ku jira xaalad dhaqaale oo liidata. Qiyaastii saddex meelood labo meel dadka madaxda ka ah qoysaska ayaa sheegay inaysan waxbarasho rasmi ah helin, halka kaliya afar meelood meel qoysaska ay si joogto ah u helaan macluumaadka warbaahinta, taasoo xaddidaysa wacyiga halista qiiqa guryaha. Qoysaska waaweyn iyo kuwa saboolka ah ayaa fursad sare ugu jira in ay halis sare ku dhacaan.
Arrinta xiisa leh ayaa ah in qoysaska reer-guuraaga ah ay halista qiiqa ka yaryihiin qoysaska magaalooyinka ama deegaanada tuulooyinka. Daraasadu waxay tilmaantay in sababaha ay ka mid yihiin meelaha banaan oo hawadu furantahay oo cunada lagu kariyo, isticmaalka shidaalka yar, iyo hab-nololeedka reer guuraaga ee guurguura oo meel inta ka tagaan meel kale dega uu yareeyo halista qiiqa.
Daraasaddan ayaa digniin ka bixisay in qiiqa gudaha guryaha uu yahay khatar caafimaad oo weyn oo dalka ka jira. Waxayna soo jeedisay in la sameeyo wacyigelin, la fududeeyo helitaanka farsamooyin nadiif ah oo cuno karinta ah, isla markaana la dejiyo siyaasado wax ka taraya kala duwanaanshaha gobollada, si loo badbaadiyo qoysaska Soomaaliyeed.
Sida ku cad falanqaynta saboolnimada ee ka soo baxday SIHBS 2022, 54.4% dadka Soomaaliyeed ayaa ku nool xaalad saboolnimo, maadaama ay maalin kasta isticmaalaan wax ka yar $2.06. Qoysaska badankooda ayaa ku tiirsan tamar dhaqameedka sida qoryaha iyo dhuxusha, iyadoo Bankiga Adduunka uu sheegay in ku dhawaad saddex meelood labo meel (2/3) dadka Soomaaliyeed ay tamartaas u adeegsadaan cuno karinta.