“Waxaanu maqalnay qarax weyn iyo qiiq ka soo baxay markabka. Waxaan u malayn in markabku uu ahaa mid ajnabi,” ayuu yiri Cali Shire oo ah guddoomiyaha degmada Caluula ee Puntland.
Guddoomiyaha ayaa aaminsan in markabku uu ahaa mid dagaal maxaa yeelay labo markab oo dagaal oo ajnabi ah ayaa gacan ka geysanayay badbaadinta shaqaalaha markabka saarnaa.
Ma cadda weli haddii qaraxa uu keenay shil ama uu sababay weerar burcadbadeed. Sidoo kale ma cadda in markabku uu quusay qaraxa kadib.