Siidaynta ayaa timid kadib markii maxkamada gobolka Nugaal ay taliyaha xabsiga dhexe ee Garoowe ku amartay in uu xabsiga ka sii daayo wariyaha, sida ay sheegeen ilo-wareedku.
Kilwe ayaa waxaa xiray ciidamada Puntland 2-dii bishaan July iyada oo lala xiriirinayo eedayn uu u jeediyay Madaxweynaha Puntland oo uu ku daabacay boggiisa Facebook-ka.