Isaga oo la hadlayay VOA Soomaali, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys sidoo kale loo yaqaan Dhedo ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maanta oo Sabti ah ku dileen deegaanka Bashaashin todobo dagaalyahan oo ISIS ah.
Saddex kamid ah ciidamada dowladda Puntland ayaa ku dhaawacmay dagaalka maanta oo Sabti ahayd, sida uu sheegay guddoomiyuhu.
Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa bilaabay weerar ay dib u gala wareegayaan maleeshiyada ISIS magaalada Qandala.
Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, in ka badan 50 dagaalyahan oo maleeshiyada ISIS ah oo uu hoggaaminayo sargaal hore oo Al-Shabaab ah Cabdiqaadir Muumin ayaa weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, waxayna kula wareegeen iska-caabin la’aan.