Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah heshiis la gashay shirkadaha maxaliga ah ee Albaashi, Ceeldaahir iyo Kebarco si ay u dayactiraan waddooyin iyo buundooyin u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Boosaaso kuwaasoo ay burburiyeen roobabkii dhawaan da’ay.
“Dowladda Puntland ayaa bixisay dhammaan lacagihii lagu bilaabayey dhismaha Waddooyinkan oo ay Dowladdu ku wareejisay shirkadaha ka hawl galaya.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.