Guddoomiyaha maxkamada ciidamada ayaa sheegay in askarigu uu yahay dambiile, kaasoo khiyaanay wadankiisa, lana toogan doono marka la qabto.
Maxamed Maxamuud Guure, oo ahaa askari hore oo katirsan Puntland oo wata gaari ciidan ayaa u goostay Somaliland bishii lasoo dhaafay ee Maarso isaga oo ka gudbay tuulada Tukaraq, halkaas oo ciidamo aad u hubeysan oo ka kala socda labada maamul ay sadhigyo ka sameysteen.