Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo ahaa sarkaal sare oo ciidamada DFS katirsan iyo lix kamid ahaa ilaaladiisa oo lagu dilay qarax-gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sarkaalka la dilay, Maxamed Rooble Jimcaale.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxamed Rooble Jimcaale oo kamid ahaa saraakiisha ugu saraysa ciidamada militariga ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu dilay qarax isbiimayn ahaa oo ka dhacay meel u dhow xarunta wasaarada difaaca ee Muqdisho.

Lix nin oo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay sheegtay idaacadooda Andalus.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*