Kuma aysan cadayn bayaankeeda haddii ay jiraan burcadbadeed dooni saarnayd.
Bishaan gudaheeda, Ilaalo ammaanka ah oo saarnaa markab xamuulka qaada oo ku gooshayay calanka Hong Kong ayaa iska difaacay weerar ay ku qaadeen burcadbadeed oo ka dhacay xeebta Soomaaliya. Wuxuu ahaa isku-daygii labaad oo burcadbadeeda Soomaaliya ku damcaan in ay ku qabsadaan markab ganacsi sanadkan gudihiisa.