Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxman Cabdullaahi Saylici ayaa maanta oo Isniin ah safar aan horey loo sheegin ku tagay tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa kormeeray saldhigyada ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaanka, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamadda, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Safarka Saylici ayaa imaanaya iyadoo muranka xadka ee u dhaxeeya Puntland iyo Somailand uu sii kordhayo.
Labada maamul ee deriska ah ayaa ciidamo badan geeyay gobolka Sool, isku dhac ayaana dhici kara wakhti walba.
Muranka xadka ee u dhaxeeya labada dhinac ayaa soo cusboonaaday kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka socda Somaliland ay qabsadeen tuulada Tukaraq horaantii bishaan.