Farmaajo ayaa ciiadanka cusub oo u badan dhalinyaro kula dardaarmay in ay dalkooda ka xoreeyaan maleeshiyada argagixisada ee Al-Shabaab.
“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale,” ayuu yiri.