Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah safar ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay xaqiijisay madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu kulamo la yeelan doono dhiggiisa wadamada Uganda iyo Kenya isaga oo dalka Uganda uga qeybgali doona shirka Bankiga Horumarinta Beeraha ee Afrika, kadibna u safri doona Addis Ababa, Itoobiya, kadib casumaad uu ka helay Raysulwasaare Abiy Ahmed.
“Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe u safraya dalka Itoobiya, kadib martiqaad uu ka helay Raysulwasaaraha Abiy Ahmed. Wadahadallada uu la yeelan doono hoggaanka Itoobiya ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta danaha wadaagga ah.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Waa safarkii kowaad oo Xasan Shiikh ku tagayo Itoobiya qiyaastii sanad bar kadib markii labada dal ay soo kala dhexgashay khilaad siyaasiyadeed kadib markii maamulka Somaliland uu bilowgii sanadkii hore ee 2024 heshiis la saxiixday Itoobiya u uku siinayo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya si ay ugu aqoonsato dowlad madax-banaan, heshiiskaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hoorjeesatay. Bishii December, 2024, ayaa labada dal heshiis is afgarad oo lagu soo afjarayo khilaafkooda ku kala saxiixdeen magaalada Ankara kadib dhex-dhexaadin uu Turkigu u sameeyay