
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Axad ah u safray magaalada Kismaayo, sida ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Inta uu safarka ku joogo Kismaayo, Cabiweli ayaa ka qeybgali doona shir u dhaxeeya maamul goboleedyada, sida ay sheegeen ilo-wareedku.
Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku martiqaaday madaxweynayaasha maamul goboleedyada in ay ka qeybgalaan shir ka dhici doona Kismaayo si ay uga wada-xaajoodaan xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.